waxaan ku bilaabaynaa macanaha “hooyo”
dambigeeda allaha dhaafee.
Hooyo waa waalid, micnaha (hooyo)wuxuu kayimi (hooy) oo ah hooyga laga hadh-galo
wax walba oo dhibaato ah, oo ad ka helaysid dugsi iyo diirsimaad, waxaynu kaloo
odhan karnaa hooyo waa hooy aad caloosheeda usoo hoyatay.
Hooyo jirkeeda
markii uu inoo adeegey sagaal bilood oo u dhiganta 40 toddobaad. Markii uu si
aan hagrasho lahayn uga qeyb-qaatey dhismaha xubnaha jirkayaga iyo diyaarinta
garaad aanu ku hanan-karno ogaallada nolosha. Markii xeradaas goglan aanu ku
helney mudnaan aadaminimo iyo garaaddo ay la socdaan ruuxdii Eebe xaggiisa ka ahaatey.
talo wiil
Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
Inta aadan galinbaa gudboon inaad gorfeysaaye
Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye:

ku xulo
Gabar
dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
waa qaybo ka mida buuga fadlan wixii talo ah iyo usaale iyo bogaadin ii soo dir inshaa allaah ,
fadlan akhri wixii ra'yi, talo, bogaadin iyo tusaale ah . soo qor

No comments:
Post a Comment